Dhagax dhigga Garoonka Diyaaradaha Baledweyne

Madaxda Hay’adda duulista Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beladweyne.

Dhagax-dhiga garoonka ayaa ka dambeeysay markii maanta ay Beledweyne gaadheen wufuud ka socotay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, waxaana ay geeyeen Shaqaale Tababaran oo ka shaqeyn doona Hagista Duyuuradaha Garoonka Beledweyne.

Waqtiyada Robabku da’aan ayaa waxaa hakad ku yimaadda Dulimaadyada Garoonka, waxaana ay dad badan ay iminka rajo ka qabaan in si casri ah loo dhiso Garoonka.