doodda Horumarinta Dalxiiska Soomaaliya

Waxaan manta noo qabsoomay kulan looga doodayay sida lagu hor marin karo dalxiiska dalka, isla markaana ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska, maamulka gobolka Banaadir,Hay’adda SOMTEX, SATTA iyo qaar ka mid ah Hoteellada iyo Bangiyada magaalada Muqdisho oo ka dhacay hoteelka Jaziira.

Kulanka oo diiradda lagu saarayay sida looga faaiideysan karo qayraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, caqabadaha hortaagan iyo sida Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatadaba ay ugu samayn lahaayeen maalgashi ayaa waxay Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiisku caddeysay sida ay uga goantahay hormarinta dalxiiska dalka oo hadda isbadal weyn laga dareemayo.

Doodaha noocaan oo kale ah ayaa waxay gacan ka gaysan karaan kor u qaadista fahamka bulshada ee muhiimadda uu dalxiiska u leeyahay dalka, waxaan ka SOMTEX team ahaan marwalba naga goan sidii aan kor ugu qaadi lahayn dalxiiska dalka oo sida muuqataahi ay jiraan isbadalo xoowli kusocda,waxaana aaminsannahay in wadashaqaynta Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka ah ee ku shaqada leh howlaha dalxiiska ay keeni karto in Soomaaliya ay dib ugu soo laabato doorkii ay kaga jirtay dalxiiska caalamka.

Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dhinacyadii sida weyn uga soo shaqeeyay qabsoomidda dooddan oo ay ugu horreyso wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska.