Sii haayaha wasiirka warfaafinta XFS oo daah-furay dood cilmiyeed ku saabsan horumarinta dalxiiska Dalka.

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda wafaafinta XFS Mudane; Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta daah-furay dood cilmiyeed ku saabsan horumarinta Dalxiiska Dalka.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in kulankan uu yahay mid Hal maalin ah looguna tala-galay in looga dooda sidii loo horumarin lahaa Dalka, isagoo intaa ku daray ka Wasaarad ahaan ay aad uga xunyihiin dhibaatada ay argagixisada had iyo jeer u geestaan goobaha Dalxiiska Dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa sharciyo u sahlaya in maal-geliyayaashu ku dhiirradaan in Dalka ay yimaadaan, islmarkaana ay maalgashi ku sameeystaan goobaha Dalxiiska.

“Maanta dalxiis badan ayaa loo yimaadaa waana amaanayaa dhamaan goobaha Dalxiiska dalka oo ay ugu horeeyaan kuwa Gobolka Banaadir, waxaannu ka shaqeyneynaa sidii dalxiiska dalka loo horumarin lahaa, annaga ka Wasaarad ahaan waxaan diyaar u nahay in aan idin caawinno idinku dhiiro-galino howlahiinna Dalxiiska Dalka’ ayuu yiri Wasiirku.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa in dhawaalaba wadday dadaallo lagu dardar gelinayo dib usoo nooleynta dalxiiska d alka oo meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-dii.